Admiral Faarax Qare oo dowladda u gudbiyay ashtako ku aadan askar weerartay guri uu leeyahay+sawirro

0
295

Kadib shir jaraaid uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed mudane Prof Faarax Axmed Cumar(Faarax Qare) ayaa waxaa uu ku faah faahiyay cabasho uu u gudbinayay dowladda Soomaaliya,taasi ku aadan in ciidamo ay si qasab ah ku weerareen guri uu lahaa.

Admiral Prof Faarax Axmed Cumar(Faarax Qare)  ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo wata gaadiid Tikniko ah ay tageen guri uu ku leeyahay degmaad Hilwaa ee magaalada Muqdisho,kaasi oo ay degan yihiin dad shacab ah,islamarkaana la argagax geliyay dadkii degnaa guryahaasi.

Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed mudane Prof Faarax Axmed Cumar(Faarax Qare)  ayaa sheegay in milkiyadda guriga uu isaga leeyahay,islamarkaana si sharci daro ah ay ku tageen ciidankaasi.

Wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya,sida madaxweynaha iyo R/iisul wasaaraha in la tixgeliyo la’haanshiyaah guryahaasi,loona ogolaado,islamarkaana hadii dowladdu ay u baahantahay xitaa uu ku wareejin doono si nidaam ah.

Hadaba halkan hoose ka daawo shirka Jaraaid ee uu qabtay Admiral( Faraax Qare).

SHARE