Faah faahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay Sool

0
134

Shalay Gelinkii hore ayay aheyd markii deegaanka Gambadhe, oo qiyaastii 30km dhanka koonfur bari ka xiga magaalada Laascaanood uu dagaal culus ku dhexmaray ciidamoka tirsan Millateriga Soomaaliland iyo Ciidamo uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Faysal Falaalug,hayeeshee Soomaaliland ayaa dagaalkaas War kasoo saartay.

Afhayeenka Ciidanka Soomaaliland Gaashaanle Sare Cabdiraxamaan Cabdullaahi Xasan ayaa sheegay in ciidamadooda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland,hayeeshee Soomaaliland ay aaminsaneyd in isbedelka ka dhacay puntland ay nabad qaateen.

Waxa uu sheegay in Ciidamada Puntland ay sigaadmo ah ugu soo qaadeen Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan Gobolada Sanaag Bari iyo Sool,waxaana uu sheegay inay iska difaaceen,islamarkaana hub iyo Gaadiid ay ka qabsadeen.

Taliyihii Ciidanka Puntland ee dagaalka hoggaaminayey ayuu sheegay in isaga iyo Saddex askari oo kale inay ku dhaawacmeen dagaalka dhexmaray Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Majirto wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Saraakiisha Cidamada Dowlad Goboleedka Puntland,balse Dagaalka ka dhacay Gobolka Sool ayaa kusoo aadaya xilli mudo deegaanka Tukaraq ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaaliland oodhowr jeer dagaalamay.

 

SHARE