Akhriso: Warbixin aad u siixo badan

0
125

Borofesoor Maraykan ah oo dhiga maadada xisaabta ayaa dadku aad u amaaneen ka dib markii internet-ka lagu baahiyey sawir muujinaya isaga oo ilmo yar bogga ku haya cashar na dhigaya.

Ilamaha yar oo magaceeda la yidhaa Assata ayaa waxa fasalka la yimid aabaheed Weyne Hayer oo sheegay in uu tahli kari waayey lacag uu ku shaqaalaysto qof ilmaha u haya.

Markuu u waayo sheegtay, ayaa Borofesoor Nathan Alexander ilmihii ka qaaday oo uu bogga ku hayey intii ay socotay xiisaddiisii oo 50 daqiiqo ahayd, si Hayer si fiican ugu “qorto casharka”.

“Caruur maan dhalin” ayuu ku yidhi Alexander website-ka Buzzfeed News oo uu la hadlay.

“Waxaan ka yara baqayey in ay oydo markaan qabto laakiin run ahaantii igama ay qaloon ba. Aayar bay iska aamusnayd” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Borofesoor Alexander wuxu wax ka dhigaa kulliyadda Morehouse oo rag keli ahi wax ka bartaan, oo taariikhdana ay u gashay in ay tahay kulliyadda keliya ee dadka madow wax ka bartaan ee ku taal Altlanta, Georgia.

Waligaa ma maqashay carruur mataana ah balse kala aabe ah?

Nin wiilkiisa u dilay sab uu dariska ka soo cunay darteed

Dadka kulliyadaa ka baxay kuwa ugu caansan waxa ka mid ahaa ninkii u dhaqdhaqaai jiray xuquuqda madaniga ah ee dadka madow, Dr Martin Luther King Jr.

Markuu ogaaday in Hayer badanaa hore uga tago kulliyada si uu inantiisa yar u daryeelo, ayaa Alexander oo 34 jir ahi wuxuu sida la sheegay ku yidhi fasalka iskaga soo qaado inantaada yar.

“Laba meelood buu ka shaqeeyaa, waana arday joogto ah oo hadana ka qayb qaata barnaamijyada hogaaminta ee kulliyadda, ku darsoo waana waalid” ayuu Alexander ku yidhi waraysi uu siiyay telefishanka CNN.

Isagoo la hadlayey website-ka Buzzfeed News ayuu sheegay inuu inanta yar intii uu fasalka ku jiray weedhaaminayey, waxaanu si kaftan ah u yidhi sidaas ayaaban ku seexiyey anigoo wax dhigaya.

“Sawirkani wuxu ina xasuusinayaa duruufaha waalidku maraan maalin walba iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo adeegga daryeelka ubadka oo cid waliba tahli karto” ayuu yidhi Alexander.

“Markay gama’day ayaan fasalka ku idhi waxaan u malaynayaa in hadalkayga lagu caajisayo” ayuu yidhi isagoo arinta ka hadlayey.

Sawirkaa laga qaaday ayaa aad ugu fiday baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka, waxaana sidoo kale dadku amaan iyo taageeroba u muujiyeen Alexander iyo xirfadiisa wax barista. Sidoo kale waxay dadku amaaneen Assanta aabaheed.

Borofeesorro kale ayaa iyaguna waxay ballan qaadeen in ay ardaydooda ka caawin doonaan caruur haynta.

Qoraal ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay waxay Assanta hooyadeed, Firda Hayer, ugu mahadnaqday Alexander iyo sidoo kale bulshada internet-ka adeegsata oo ugu mahadcelisay dhiirri gelinta ay saygeeda siiyeen.

Alexander ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyey boggiisa Twitter-ka waxa uu ku yidhi ” Waan ka mahadcelinayaa kalgacalkaad ii muujiseen” waxaanu wargeyska Altlanta Journal-Constituion ku yidhi “Ma ihi qofka keliya ee sidaa yeelay. Macallimiintu sidan oo kale ayay maalin kasta sameeyaan”

SHARE