Xoghayaha difaaca dowlada Britain oo baajiyay safar uu ku imaan lahaa Magaalada Muqdisho

0
90

Tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya dalka ka cayriday wakiilkii xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya Nichalos Haysom, waxaa shaki badan la galinayay habka uu ku sii wanaagsanaan karo xiriirka diblomaasiyeed ee soomaaliya kala dhaxeeyo wadamo badan oo ka  soo horjeestay go’aankii ay Haysom ka qaadatay dowlada.

Dalalka ka soo horjeestay aadkana u cambaaray’yay cayrinta N. Haysom waxaa kamid ahaa wadamada ku bahoobay midowga Yurub gaar ahaan dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Xoghayaha difaaca ee dowlada Britain Givan Williamson, oo dhawaan booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Hargeisa ayaa baajiyay kulan uu caasimada Muqdisho kula yeelan lahaa madaxwayne Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Baaqashada ku timid kulanka uu xoghayaha difaaca UK la qaadan lahaa masuuliyiinta ugu sareyso dowlada faderalka ayaa daba socota xiriirka diblomaasi ee sii xumaanaya ee ka dhaxeeya dowlada faderalka iyo dowlada Britian tan iyo khilaafkii ka dhashay ceyrintii Mr Haysom, sida uu daabacay Wareyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

1’dii bishan Janaayo ayay ahyd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka ceyriday wakiilkii xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya N. Haysom, oo su’aal laf dhuungashay ku noqotay dowlada ka keenay xarigii Mukhtaar oo Roobow lyo qalaalasihii ka danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 ruux.

SHARE