Mas’uul ka tirsan Soomaaliland oo la dhaawacay

0
74

Askari ka tirsan ciidamada Soomaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Soomaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Wariyaha KNN ee Deegaanada Soomaaliland  ayaa soo sheegaya in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro.

Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin  dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliland ay maamusho.

SHARE