Faah faahin ka soo baxaysa qasaaraha qarixii shalay ee Baydhabo ka dhacay

0
5110

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa koowaad oo ahaa mid bambo gacmeed ah ayaa waxaa lagu weeraray mid kamid ah hotelada ku yaalla Baydhabo,halka kan kale la lagu weeraray maqaaxi ku taalla gudaha Magaalada,isla markaana waxaa ku dhintay dad u badan Shacab oo ku sugnaa goobaha la weeraray.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyadii ka dhacay Baydhabo,waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 30 ruux oo kale ,kuwaasi oo ahaa dad shacab ah oo iska fadhiyay Xarumaha weerarka lagu qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay qaraxyadaasi  ay waxyeelo kazoo gaartay dad shacab ah,isla markaana la dhigay goobta caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Dhinaca kale  Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shafiir Xasan Sheekh Aadn  oo ka hadlay qaraxyadii shalay ayaa waxa uu tacsi u diray Ehelada dadkii waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadaasi

Waxaa uu Alle Shariif Xasan ugu baryay intii ku dhimatay in uu Alle u naxariisto,kuwa dhaawaca ahna uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Qaraxyadii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegatay Ururka Al Shabaab

 

SHARE