Gabar ardayad ahayd lagu dhexdilay Jaamacada Soomaaliya

0
4938

Kooxo dablay ah ayaa  Xaafadda Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag gobolkan Banaadir waxa ay ku dileen gabar kamid ahayd ardaydii dhiganaysay jaamacadad Soomaaliya qeybteedi Baar ubax.

Goob joogayaal halkaasi ka agdhawaa ayaa sheegay in rag ku hubeysnaa bustoolado ay galeen Gudaha Xarunta Jaamacadda Soomaaliya (Uniso)ay ku leedahay Baar Ubax,isla markaana ay fasalka dhex diisa ku dileen Gabadha oo lagu Magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan.

Waxaa wararku ay sheegayaan in xiliga dilku dhacay ay ardaydu ka soo laabteen waqtiga nasashada ama (Break time),waxaana shaqaalaha Jaamacadda ama mamaulka ay sheegeen in ay baxsadeen ragii falkasi ka dambeeyey.

Macadda waxa ay ahaayeen dadka dilka geystay iyo sababta ay u dileen Gabadha ka mid aheyd Ardayda Jaamacadda Soomaaliya taas oo xilligaan baraneysay Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka,waxaana durba goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Meydka gabahdaasi oo la sheegay in ay ahayd hooyo caruur haysata ayaa loo qaaday xarunta CIDA ee dembi barista si loo baaro falkaasi lagu dilay.

Laamaha amniga Soomaaliya iyo Maamulka Jaamacadda Soomaaliya weli kama hadlin dhacdadaas lagu dilay Aamino Xuseen Xasan oo aheyd Ardayad.

SHARE