Nin 45 jir ah oo Meydkiisa lagu arkay Muqdisho

0
12639

Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho dadka kunool waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meyda nin da’ah oo halkaasi yaalay,waxana la sheegay in jirkiisa ay ku yaallaan dhaawacyo tooreey loo adeegsaday.

Dadka deegaano waxaa ay sidoo kale  sheegeen in Ninka Odayga ah oo Da’ahaan lagu qiyaasay 45 Sano jir,dadka suuqa Xoolaha ku nool ay arkeen meydkiisa oo yaalla Wadada dhinaceeda.

Qof ka mid ah dadka degna Xaafada Suuqa xoolaha ayaa waxa uu sheegay in Ninka loo maleynayo inay dileen kooxo burcad ah oo doonayey in mobeylka iyo lacago uu watay inay ka qaateen.

Sidoo kale Waxa uu sheegay in uu ahaa Gaanacsade,isla markaana uu ku wajahnaa Suuqa Bakaaraha balse wadada loo galay,dhowr tooreey iyo Maqaro lagu dhuftay.

Maamulka degmada Hilwaa iyo laamaha ammaanka weli wax war ah kama soo saarin dil ninkaasi loo geystay,waxaana ay qeyb ka tahay falalka amni dari.

 

SHARE