Dil naxdin leh oo ka dhacay Boosaaso

0
8599

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa la soo sheegaya in rag hubeysan xalay toogasho ku dileen labo wiil oo dhalinyaro ah meel aan ka fogeyn suuqa weyn ee magaalada,waxaana socda haatan howlgalo lagu baadi goobayo.

Goobjoogayaal deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in labada wiil ee dhalinyarrada ah ahaayeen saaxiibo siweyn isugu dhawaan, islamarkaana dhawaantan ka qalin jabiyay Jaamacada Bariga Africa ee faraceeda magaalada Boosaaso.

Waxaa lagu kala magacaabi jiray ee dilka loo geystay C/risaaq Xasan Barre (Ceeriin) iyo C/kariin C/qaadir,kuwaasi oo wax ka dhiganaya Jaamacadad Bariga Africa ee Boosaaso.

Ciidamada nabada-galyada Puntland ayaa markiiba tagay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana baxsaday oo aan gacanta lagu dhiggin raggii kooxdii dalka geysatay.

Lama oga sababta loo dilay labadani ee ka mid ahaa dhalinyarada waxbartay ee magaalada Boosaaso, waana marki ugu horreysay oo laba wiil oo Jaamiciyiin ah hal mar lagu dilo gudaha Boosaaso.

Dadka deegaanka ayaa siweyn uga naxay falka toogashada ah ee lagu dilay labada dhalinyarada ah, Boosaasa-na waxaa ay ka mid tahay meelaha ugu badan oo ay ka dhaceen dilalka qorsheysan guud ahaan marka la eego deegaannada maamul gobolleedka Puntland.

 

SHARE