Kullanka ugu adag horyaalka Talyaaniga Inter Milan vs Juventus

0
485

Inter Milan iyo Juventus ayaa ciyaar adag isaga hor imaan doona caawa garoonka San Siro kulan ka ka tirsan horyaalka talyaaniga waana ciyaarta loo yaqaan Derby d’Italia.

Nerazzurri ayaa indhaha ku heysa sidii ay dib ugu soo laaban laheyd tartanka Champions League kal ciyaareedka dambe. Iyadoo dhanka kale juventus ay ku dadaaleyso sidii ay kaga soo kaban laheyd guuldardii Napoli ee asbuucii hore taaso dib u furtay loolanka horyaalka madaama ay Bianconeri dhibic qura hogaanka ay ku heyso.

Mario Mandzukic ayey xaaladiisu fiican tahay waan suuragal inuu ciyaaro kulankaan, Giorgio Chiellini wuxuu ku maqnaan doonaa dhaawicii kasoo gaaray ciyaartii Napoli.

Dhanka kale daafaca dambe Mattia De Sciglio ayaa isna dhaawac ka ah kooxda juventus.

Kooxda inter Milan waxaa ciyaartan aysan heli Karin adeega laacibkooda qadka dhexeh ee Roberto Gagliardini oo dhaawacan, Balse ma jiro wax ciyaariyahan kalaa oo dhaawac kaga maqan kulanka Derby-ga ah.

Waqtiga Ciyaarta

Tartanka: Serie a

Saacada: 09:45 daqiiqo xiliga geeska afrika

Garsooraha: Daniele Orsato

Garoonka: San Siro Stadium

Taarikh kooban oo ku saabsan Kullanka

Kani waa kulankii 169-aad ee ciyaarta  Derby d’Italia oo ay isaga horyimadaan labadan koox,  Juventus ayaa badisay 80 jeer , 43 bar baro halka inter ay badisay 46 kulan.

Juve ayaa heysata guushii ugu weyneed ee ciyaartan waxeyna ku garaaceen kooxda Inter Milan 9-1 sanadkii 1961,  iyadoo kulankaas u lix gool ka dhaliyay Omar Sivori.

Bianconeri waa guuldaro la’aan 10-kii kulan ee u dambeysay oo ay Inter la ciyaareen.

Inter ayaa wax gool ah dhalin shan kamid ah todobadii dheel ee u dambeysay oo ay juveuntus wajaheen tartamada oo dhan.

Labada koox ayaa dhaliyay shan gool lixdii ciyaar ee u dambeysay oo ay ku ciyaareen garoonka San Siro kulamada horyaalka.

Todobadii guul ee u dambeysay oo ay juve kaga adkaatay inter garoonkeeda ayaa ku dhamaanayay 1-2.

Inter  ayaa sameysay karoosyada ugu badan kal ciyaareedkan horyaalka talyaaniga waana 715 karoos iyagoo ah kooxda ugu badan ee gool ka dhaliyaa garbaha.

Nerazzurri ayaa la siiyay afar roose todankii ciyaar ee u dambeysay oo ay juventus la kulmeen.

Gonzalo Higuain iyo Mauro Icardi waa labada ciyaariyahan ee ajaanibta ah kuwasoo ugu goolasha badan horyaalka talyaaniga.

Safafka Macquulka ah ee Kooxaha Inter Milan vs Juventus

SHARE