Real Madrid oo kabaha la dulmartay Bayern Munich Ciyaarta Lugta Kowaad Afar Dhamaadka Champions League+SAWIRRO

0
676

Bayern munich ayaa guuldaro garoonkeeda kala kulantay kooxda real Madrid ciyaarta lugta kowaad ee afar dhamaadka Champions League waxaana looga adkaaday 2-1.

qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-1, Iyadoo ay aad u yaraayeen fursadaha labad koooxood.

Goolka waxaa la hormartay naadiga Bayern kadib kubad dhex ka bixis ah uu James Rodriguez u dhigay difaaca midig  ee Joshua Kimmich kasoo darbad xoogan dhaafsiiyay goolhayaha Real Madrid.

Laakiin nasiib xumo waxaa ciyaarta awoodi waayeen in ay  dhelaan labada cayaariyahan ee  Arjen Robben iyo Jerome Boateng oo ugu dambeyn labadalay.

Iyadoo daqiiqad kaliya ay ka harsan tahay qeybta hore Real Madrid ayaa la timid goolka bar baraha waxaana u dhaliyay Marcelo kadib kubadd uu ka darbeeyay banaanka diilinta ganaaxa.

Kaambiyaha dambe markii la isugu soo laabtay kooxda Real Madrid ayaa la timid gool waxaan u dhaliyay laacibka badalka kusoo galay ee Marco Asensio kadib kubadd weerar celis aheyd.

Naadiga Bayern daal badan ayey sameysay sidii ay isaga soo bar bareen laheyd ciyaarta waxaana laba fursadood oo halis ah laga badbaadiyay xiddiga garabka ka ciyaar ee Franck Ribery.

Ugu dambeen dheesha ayaa ku idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid, Iyadoo ciyaarta lugta labaad ay ka dhici doonto asbuuca dambe garoonak Sentiago Bernabeu.

SHARE