Bayern Munich vs Real Madrid Kulan La Wada Sugaayo Lugta Kowaad ee Afar Dhamaadka Koobka Champions League

0
560

Ciyaar aad u weyn  ayaa Caawa ka dhici doonta garoonka Allianz Arena marka ay kooxda Bayern Munich soo dhaweyso kulanka lugta koowaad ee afar dhamaadka tartanka Champions League naadiga Real Madrid.

Kooxda Zidane uu leyliyo ayaa xili ciyaareedkii hore tartanka rabeetay dhigooda Bayer waxeyna ku guuleysteen markii labaad xariir ah koobka Champions league, laakiin waxaa taas hadda diidan macalinka Jupp Heynckes oo sheegay in munich ay isbadal weyn sameyn doonto dheesha afar dhamaadka.

Waqtiga Ciyaarta Iyo Faahfaahinta:

Tartanka: Champions League

Saacada: 09:45 daqiiqo xiliga geeska afrika

Garsooraha: Björn Kuipers

Garoonka: Allianz Arena Stadium

Faahfaahin Dheerad Ah oo ku saabsan kulanka:

Daafaca kooxda Bayern Munich David Alaba ayaa waji doona baaritaano dambe ka hor ciyaarta lugta koowaad ee afar dhamaadka Champions League oo ay Real Madrid kula ciyaari doonan gegida Allianz Arena.

Alaba ayaa seegay tababarkii u dambeyay ee kooxda Bayern talaadadii kadib dhaawac kasoo gaaray bowdada, laakiin macalinka kooxda Jupp Heynckes wuxuu sheegay inuu go’aan ka qaadan doono horaanta maalinta arbacada haadii uu u xulan doono Alaba safka kooxdiisa.

Laacibka qadka dhexe ee Corentin Tolisso ayaa sido kale shaki uu ku jiraa, halka daafaca reer Brazil ee Rafinha laga yaabo uu badalo Alaba  hadii uu kamid noqon waayo safka naadiga.

Xiddiga amaahda ee kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa laga yabaa inuu safka kusoo bilawdo kadib markii loo isticmaalay badal kulankii ay guusha 3-0 kooxdiisa kaga badisay dhigooda Hannover maalintii sabtida.

Dhanka kooxda Madrid ma jiro wax dhawaac ah oo laga walwal qabo, waxaana safka kooxda dib ugu soo laaban doona kabtanka naadiga Sergio Ramos oo ganaaxnaa kulankii lugta labaad ee wareega sideed dhamaadka oo ay juventus la ciyaareen.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

  • Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa kulmi doona markii 25-aad tartanka European Cup ama Champions League – waana kulanka ugu badan oo ay laba koox isaga hor yimadaan koobkan. Waxeyna midiiba badisay min 11 jeer kulamadooda.
  • Tani waa markii seddaxaad tan iyo xagaagii 2011-12 ay Bayern Munich iyo Real Madrid isku wajahaan afar dhamaadka Champions League, kooxda Jarmalka ayaa badisay sanad ciyaareedkii 2011-12 halka naadiga Spain ay iyana badisay 2013-14.
  • Bayern Munich ayaa guuldareysatay dhamaan shantii kulan ee u dambeysay oo ay Real Madrid la ciyaartay Champions League, dhamaan kulamadaasna waxey ahaayeen wareega Bug baxa seddax jeer waa afar dhaamdka iyo labo jeer oo sideed dhamaadka tartanka ah.
  • Bayern ayaa shan kulan xariir ah guuldaro kala kulantay kulamad Champions League ay la ciyaarta Los Blancos waana markoodii ugu xumeed ay hal koox guuldaradaas xariirka ah kala kulmaan taariikhda koobka Champions League.
  • Macalimiinta maamulay ugu yaraan 20- kulan koobka Champions League, ayaa kulanka waxaa isku qaban doona labo kamid ah seddaxda ugu guulaha badan mudadaas – Jupp Heynckes oo guuleystay 71% boqolkiiba iyo  Zinedine Zidane oo 67% boqolkiiba isana guuleystay . kaliya Luis Enrique oo 73% boqolkiiba guuleystay ayaa ugu sareya qiimeynta guulaha kulamada labaantanka ah.
  • Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay ugu yaraan gool mid walba oo kamid ah 11-kii ciyaar ee u dambeysay tartanka Champions League wuxuuna guud ahaan dhaliyay 17 gool; waa dhaliyihii ugu horeyay ee si xariir ah gool kaga dhaliyaa Champions League taariikhda.
  • Sido kale 33 jirkaan ayaa sagaal gool ka dhaliyay kooxda Bayern Munich kulamada uu kaga hor yimid Champions League – kaliya laacibka goolal intaa ka badan hal koox ka dhaliyay tartankan waa isla Ronaldo wuxuuna 10 gool ka dhaliyay kooxda Juventus.
  • Kulankan waxaa kasoo muuqan doona labada gool dhaliye ee ugu sareysa afar dhamaadka Champions League taariikhda – waana Cristiano Ronaldo oo dhaliyay 13 gool wareegan, iyo Robert Lewandowski oo isna ka dhaliyay  6 gool heerka afar dhamaadka.

Safafka Macquulka ah ee Bayern Munich vs Real Madrid:

SHARE