Hagar daamada Emaaraatka ay ka wado Soomaaliya

0
850

Dabayaaqadii 2016-ka Ayay bilowday in Dowladda Imaaraadku ay dhaqaale badan ku bixiso in uu Soomaaliya Madaxwayne ka noqdo Siyaasi ku shaqeeya aragtidooda guracan, iyo boobka ay ku hayaan khayraadka dabiica ah ee dhulka Soomaaliya, xaraashka iyo hanti-boobka ay ku hayaan ilaha-dhaqaale ee dalka iyo dagaalka ay kula jiraan Soomaaliya in aysan ka faa’iidaysan Khayraadkeeda Bad, Birri, Iyo Cirba. Fashilkii 1aad wuxuu ku dhacay markii ay dhaqaale badan siiyeen xilliyadii Doorashadu ay socotay Sanetor Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo xilligaa ka mid ahaa Murashaxiinta iyo tillaabadii xigtay oo noqotay in ay shirar is xig-xiga Maamullada ugu yeertay Abu Dhabi.

08 – Febru – 2017 – Markii uu Madaxwaynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu doorashada kaga adkaaday 21 Murasharax, dowladda Imaaraad-ka waxay aamintay in ay ku guuldaraysanayso qorshaheeda guracan ee ay Soomaaliya ka damacsantahay, bacdamaa MD Farmaajo yahay Wadani aan ka yeelaynin damacooda lagu hagar-daaminayo dalkaan soo kabashada ku jira.

March 05, 2017 – Safiirka isu taga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al Hammadi ayaa loogu yeeray in uu dib ugu soo laabto Magaalada Abu Dubai kadib markii ay Somaliland ka dhaceen dibad baxayo looga soo horjeedo Saldhiga Milatry ee Imaaraadku rabo in uu ka furto Magaalo Xeebeedka Berbera ee maamulka Somaliland..

April 05, 2017 – Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa in ka badan 20 Xildhibaan waxay mooshin ka keeneen Saldhiga Milatry ee Imaaraadku ay qorshaynayaan in ay ka furtaan Berbera, inkastoo Mooshinkaasi uusan noqon mid natiijo ay kasoo baxdo. Hase ahaatee Guddoonka Golaha ayaa xilligaas Xukuumadda Soomaaliya ka dal-baday in ay cadeeyeen Mowqifkooda ku aadan Saldhiga Barbara. Waana arrin wali sidii u taagan.

Apr 10, 2017 Iyo Sidoo kale – Nov 21, 2017 – Labo safar oo Madaxwayne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday. Ilo xog’ogaal ah ayaa xaqiijinaya in Madaxwayne Farmaajo ka biyo diiday Laaluush-ka, khiyaannada, iyo aragti gaabnida ay Imaaraadku rabaan in ay Dalkaan uga hor istaagaan in uu dib cagihiisa ugu istaago. Dad badan ayaa qaba sababta uu MD Faraamjo uga hadlin 2dii jeer ee uu dalkaasi booqday in ay tahay shirarkii uu madaxda dalkaasi la qaatay oo kusoo dhammaaday Is faham-waa, taasina ay sababtay in Madaxwaynuhu ka aamuso safaradaas, halka uu ka hadli jiray wadamada kale marka uu kasoo laabto natiijada waxyaabihii ay isku soo af-garteen.

Markii ay Dowladda Imaaraadka u cadaatay in aysan Hoggaanka Soomaaliya uga suurto-galaynin qorshahooda gurracan, waxay go’aansadeen in ay mugdi galiyaan Midnimada Soomaaliya. Si qorshahaas loo hirgaliyana waxay Imaaraadku xoogga saareen in ay dagaal 3 waji ah ku furaan dowladda, iyagoo adeegsanaya gacmo dad Soomaaliyeed. Qorshahaas oo iska hor-keenaya 3daan qaybood oo saldhig u ah Midnimada Soomaaliya Xilligaan, waana:

1. Dowladda Iyo Maamul-goboleedyada

2. Xukuumadda Iyo Baarlamaanka

3. Dowladda Iyo Shacabka.

Si qorshahaas loo ambaqaado waxay Dowladda Imaaraadka Carabtu ay dhaqaale ku bixisay iyadoo adeegsanaysa Cumar C/rashiid in Maamul-goboleedyadu ka hor-yimaadaan go’aankii taariikhiga ahaa ee khilaaf-ka Khaliijka ay ka qaadatay Dowladda Soomaaliya kaasi oo ahaa Soomaaliya in ay Dhex-dhexaad ka tahay Khilaaf khaliifka. http://www.bbc.com/somali/war-41349733

Puntland ayaa Aug 16, 2017 waraaq uu soo saaray wuxuu ku sheegay in ay taageersanyihiin maamul ahaan xulufada Sacuudigu uu hoggaaminayo. Intaas kaddib-na, Sep 18, 2017 Isla warqad la mid ah tii Puntland waxaa soo saaray Maamulka Koonfur Galbeed, Halka taariikhdu markay ahayd Sep 20, 2017 Galmudug-na ay soo saartay warqad la mid ah tii Puntland iyo Koonfur-Galbeed.

Sept, 22, 2017 – Ayaa waxaa Dalka Imaaraadka Carabta isugu tagay Madaxda Maamul-Goboleedyada, marka laga reebo Madaxwaynaha Jubaland Axmed Madoobe, waxaana shirkaasi oo u dhaxeeyay Dowlad-Goboleedyada Iyo Imaaraadka u kala dab-qaaday Senetor Cumar C/rashiid oo ah La taliyaha Imaaraadka u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya. Nuxurkii kasoo baxay shirarkaasina wuxuu noqday in Kismaayo lagu qabto Shir ay Imaaraadku ku bixiyaan dhaqaale badan.

Oct 11, 2017 Natiijadii shirkii Kismaayo waxay noqotay in ay Maamulladu samaysteen (Gole Iskaashi) Oo Guddoomiye looga dhigay Madaxwaynaha Puntland C/wali Gaas, halka kuxigeenna looga dhigay M/wayanaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Madaxwayne Farmaajo wuxuu si xil-kasnimo, mas’uuliyad, iyo geesinimo leh ku xakameeyay dhul-gariirkii Siyaasadeed ee Kismaayo ka dhacay, wuxuuna Maamul-goboleedyada ugu baaqay in ay xasuustaan kitaabkii ay dalkaan u mareen, mas’uuliyad-na iska saaraan dalkaan sookabashada ku jira, isagoo ugu baaqay shir dag dag ah oo wadatashi ah, laguna xallinayo wixii khilaaf ah oo jira Oct 22, 2017

Oct 10, 2017 – Waxaa dalka Imaaraadka Carabta shir ku yeeshay Madaxwaynayaashii hore ee Dalka Xassan Shiikh, Shiikh Shariif, R/wasaarihii hore Cumar C/rashiid, Siyaasi C/raxmaan C/shakuur, Iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble. Shirkaasi waxaa lagu dajiyay qorshihii ugu dambeeyay ee lagu af-gambinayo Dowladda uu Madaxwayne Farmaajo, iyadoo laga faa’iidaysanayo Khilaafka Imaaraadku abuureen ee u dhaxeeya Maamullada Iyo Dowladda Dhexe. Waxaa kale oo la isku af-gartay in Shiikh Shariif, Xassan Shiikh, Iyo Cumar ay gaaraan Muqdisho, Waxaana xilligaas Xamar soo gaaray Shariif Shiikh oo kaliya https://www.caasimada.net/maxaa-waqtigaan-kusoo-aadiyey-im…/ Halka Cumar intuu yimid Nairobi dib ugu laabtay Abdu Dubia, Hassan Shiikh-na intuu soo gaaray Daru-salam, kaddib dib ugu laabtay Dalka Turkiga Ankara, bacdamaa Hishiis uu dhex-maray Maamullada iyo Dowlad Dhexe oo qorshihi fashilmay.

Wax kasta waxay is badeleen markii Madaxwayne Farmaajo uu hishiis taariikhi ah la saxiixday Maamul Goboleedyada bishii Nov 5, 2017 – Hishiiskaasi oo noqday mid Soomaalida iyo Beesha Caalam-kuba soo dhaweeyeen, wax wayna ka badalay xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd https://www.voasomali.com/a/4093610.html.

Nov, 01, 2017 Arbaco – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku wareejiysay dowladda Soomaaliya 311 askari oo ay tababar saddex bilood ah ugu soo gabagabeeyeen Muqdisho. Inkastoo magac ahaan ay ciidankaasi Imaaraadku ay dowladda ugu wareejiyeen, hayse ahaatee wali muushaarkooda, qalabkooda, iyo awaamiirtooda waa ciidan si rasmi ah ah u hoos-taga Safaaradda Imaaraadku ee Muqdisho. https://www.hiiraan.com/…/Nov/wararka_maanta1%20-143414.htm…

Nov, 10, 2017 – Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa warqad u yeeris dal ku laabasho ah u dirtay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta C/qaadir Shiikhey Axmed, waxaana isla bishaas Nov, 13-keedii uu ka biyo diiday in uu u hoggaansamo amarkii kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya!!

Dhammaan-ba markii ay fashilmeen duulaan-kii bahalnimada ayay bilowgii bishaan Dec 2017 – Dowladda Imaaraad-ku iyadoo adeegsanaysa Siyaasiyiinta kale ah Sanetor Cumar C/rashiid, Iyo Siyaasi C/raxmaan C/shakuur waxay bixiyeen dhaqaale cadadkiisa lagu qiyaasiy 20 Milyan sida ay ii xaqiiyeen ilo xog’ogaal ah. Dhaqaalahaas oo loo qorsheeyay in loo qaybiyo Xildhibaannada Golaha Shacabka si ay Mooshin uga keenaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Siyaasiyiinta ay Imaaraadku u isticmaalayaan weerarka qaawan ee Qaranimada Soomaaliya lagu majo xaabinayo oo ay ku jiraan xildhibaayo iyo rag kasoo jeeda jihooyin kale duwan oo siyaasada Dalka ku fashilmay, ayaa tillaabooyinkii ugu horreeyay ee dowladdu qaado waxay noqatay in ay baaritaan ku samayso howlgalka Qaran Dumiska ah ee ka socda Muqdisho.

Bishii December, 17, 2017 – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa shirjaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku sheegay in ay jiraan Xidhibaano Qaran Dumis ah oo dambiyo waawayn dalka ka galay. Wuxuu Xeer ilaaliyuhu Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in xasaannada laga qaado 2-da xildhibaan ee kale ah #Xassan Macalin Maxamuud Iyo Xildhibaan #Saabir Nuur Shuuriye oo la aaminsanaa in ay kaalin wayn ku leeyihiin Howlgalka Qaran-dumiska ah ee Moqdisho ka socda. https://www.hiiraan.com/…/2…/dec/wararka_maanta17-143961.htm

Isniin Dec 18, 2017 – Howlgal sababay dhimasho iyo dhaawac waxay hay’adaha Amnigu kusoo qabteen Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo dowladdu aaminsanahayd in Gurigiisu u ahaa goobta laga maleegayo Shirqoolka Imaaraadku uu wado, waxaana hay’adaha Amniga usuurto gashay in ay gacanta kusoo dhigaan cadaymo rasmi ah iyo Documentiyo ka markhaati ka caya tuhunkii ay dowladdu ka qabtay Imaaraadka iyo shaqsiyaadka ay adeegsanayaan.

Mar kale – Imaaraadka oo uu ka fashilmay weeraradii naf-la caariga ahaa, waxay Axad 31 Dec, 2017 – Saacadu markay ahayd 01:30pm Duhurnimo Weerar qaawan ku qaadeen guriga Senetor Cabdi Qayb-diid, iyagoo adeegsanaya ciidankii ay Bishii Nov 01, 2017 – sheegeen in ay ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya, tillaabadaan markii ay dhacday ayaa isla xilligii waxaa ka falceliyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Bartiisa Twitter-ka Soodhigay amar uu talyaha Ciidanka Xoogga ku farayo in dag dag lagu soo qabto cid kasta oo ka dambaysay weerarka bahalnimada ah. Sharcigana la hor geeyo ciddii ka dambaysay. https://twitter.com/TheVillaSomalia

Isla waqtigii Talyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas General Gorod iyo Senetor Cabdi Qaybdiid ayaa gaaray goobtii, waxayna sheegeen in in la baarayo ciddii falkaas samaysay, inkastoo Senetor Cabdi Qayb-diid uu sheegay in uu xog ku helay ciidanka gurigiisa weeraray in ay yihiin kuwii Imaaraad-ku uu tababaray. https://www.youtube.com/watch?v=S1VFWFOJznY

Howlgal baaritaan oo ay hay’adaha amnigu sameeyeen waxaa isla galabnimadii lagu soo xiray 4tii sargaal ee howlgalka fulisay oo ahaa sariikhii ugu sareysay Ciidanka Imaaraadka iyo ku dhawaad 40 Askari oo ahaa kuwii howshaas loo adeegsaday. http://www.radiomuqdisho.net/in-kabadan-40-askari-oo-loo-s…/

Xilligaan waxaa dalka Imaaraadka ku sugan Senetor Cumar C/rashiid, Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan iyo ku dhawaad 20 xildhibaan oo ilo xog’ogaal ah ay xaqiijinayaan in ay maleegayaan qorshe kele oo lagu majaxaabinayo midnimada Soomaaliya!!

Haddaba meeye aqoonyahannadii ? Meeye Waxgaradkii Soomaaliyeed ? Meeye Siyaasiyiintii rajada ka qabay dalkaan ? Meeye Culumadii? Soo ma habboona in aan fadhiga ka kacno ? Waxa weerarka lagu yahay waxaan aaminsahay in aysan ahayn Farmaajo iyo Kheyre, ee waa Qaranka Soomaaliya. Maxaa Soomaalida la gud-boon ? Dalkaan yaa leh ? Difaaciisa yaa leh ? WAAWAREEY YAA SOOMAALI AH ?

FG. Qaybtaan waxaan kusoo bandhigay dhacdooyinkii sanadkaan Imaaraadku ay ku fashilinayeen Qaranka Soomaaliya, waxaana qayb-ta labaad ee maqaalkaan aan ku odorosayaa in jawaabo rasmi ah Aan u helo su’aalahaan:

1. Codownimada Imaaraadku ay Soomaaliya u qabaan xaggee bay salka ku haysaa ?

2. Imaaraadku waayo cidda ay u adeegsanayaan duulaanka ay Soomaaliya ku hayaan ?

3. Waa maxay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ku aadan duulaanka Imaaraadka ?

4. Haddii xagmiga intaas le’eg oo dagaalka ah ay Imaaraadku ay Soomaalya ku hayaan, waa maxay doorka shacabka Soomaaliyeed ?

Xigasho:Aqoonyahan Maxamed Cali
ma9221058@gmail.com

SHARE