Bulshooy Ku baraarugsanaada Wellee Abaal Nin Galaa Badan Nin Gudaase Yer {-F A A L O-}

0
907

Xaqiiqda marka laga hadlaayo  ma ahan in leyska indho tiro  wadciga jira iyadoo la mala Awaalayo Hadalo Ku turi kuteen ah Oo loogu Qiil dayayo Wax Aan Raad Iyo Sal Toona Laheyn Iyadoo Dhaayuhu Waxa Ay Haayaan Dhinac kale Loo leexinaayo

Marka Aan Dib U Eegno Wax Qabadka Xukuumadda Waxaan Shaki Ku Jirin In Durbaba Aan Dareemi Karno Hal ku Dhegga Ah Itus Oo I taabsii. Mxaa la  Qabtay. Maxaa Dhiman. Maxaanse La Qaban Taasoo Lagu Xisaabtamaayo Mar Walba Ma jiraan In Wax La qabtay Mase jiraan inaan waxba la qabanin.

Dhaliishu Waxeey Ku Imaan kartaa Hadii Gabi Ahaanba Aan Waxbo la qaban Weysa Dhici Kartaa In Wax Aay Dhinaadaan Oo Waqtigu UU Saamixi Waayo Ma ahan Markaas In Lala Soo Boodo Wax Lama Qaban Iyo Xukuumadu Waa In Ay Is casishaa

Abaal Nin gala badan Nin Gudaase Yer Marka Aan Dhinac kale Ku Dhalaalino Waxaa Marqaati Madoonta ah Gacantii Ay Xukuumadu Ka Geeystay Mxaabiistii Ugu Badned OO Soomaaliyeed Ee Dal Shisheeye Ku Xerneed Inta Mar qura U tafa Xeeydatay Xuriyadoodii Iyo Dalkoodii Dib Ugu Soo Celisay Iyadoo Ka soo Saartay Xabsi Ay Adagtahay In Ruuxii Mar Galaa Uu Si Dhib Yer Ugu Soo Baxo Waana 2 dii Dufcadood Oo Haraantii Sanadkaan Laga Soo Daad Gureeyey Dalka IThopia Ku Waasoo Tiradooda Kor U dhaafeeysay {100} Boqol Muwaadiniin Soomaali ah

Wali Taariikhda Laguma Haayo Xukuumad Gorgortan Ka gashay Maxaabiis Soomaali ah Oo ku Xiran Wadamada Caalmaka  Marka Laga Yimaado Xukuumadii Kacaanka Aheyd Oo Kaashaneeysay Hay’Adda Laan Kheeyrta Cas Ee Adduunka Ee Isla Xukuumada Adis Ababa  Ay Ka Soo Sii Daayeen Boqolaal Ka Tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya Oo Lagu Qabsaday Dagaalkii Dhex maray 2 da Dowladood OO Deriska Ah

Waxaa Wax Lagu Farxo Ah Dhawaaqii Shalay Soo Gaaray Dhagaha Shcabka Soomaaliyeed Kaasoo Ahaa In Xukuumada Soomaaliya Ay Ku Guuleeysatay In Xuriyadiisa Uu Dib U Helo Weiye M/ed Aweeys Muudeey Oo Loo Yaqaan Boqorka Bartamaha Kaasoo 4 Sano Ka Hor Lagu Xiray Dalka IThopia Isagoo  Ku Eedeysnaa Fal Argagixisanimo ah Waa Sideey   Warka U dhigeene Iyadoona Lagu Xukumay Wax Ka badan Rubac Qarni  oo xabsi ah

Dhowaaqaan Oo Ah Mid  ka mid ah Guulaha Wax KU Oolka Ah Oo Ay Ku Talaabsatay Xukuumadan Ayaa Ah Kuwo Aan Cidna Dafiri Karin Marka Xaqiiqda Laga Hadlaayo Maxaa yeelay Waxaa Qiimo Weeyn Ugu Fadhiya Sharafta Iyo Karaamada Muwaadinka Soomaaliyeed

Dadaalka Xukuumada Ay Ugu Jirto Wax ka Qabashada Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Dibadaha Ku Xir Xiran Ma Ahan Mid Ku Kooban Dalka IThopia OO Keliya Waxaase Jira Dadaalo Kale OO Dheeri Ah Oo Lagu Baadi Goobaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed EE Ku Xir Xiran Dalalka Kala Duwan Ee Caalamka

Oraahdaan  BULSHOOY  KU  BURAARUGSANAADA, WALLEE  ABAAL  NIN  GALAA  BADAN, NIN  GUDAASE YER    Marka Aan Waafajino Talaabooyinkaan Ay Xukuumada Qaadeeyso Waa Iska Caadi In Ay Jiraan Dad Ka dhaga L’a Abaalka Loo Galayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed Dalka Gudihiisa Iyo Dibadiisaba

Ugu Dambeentii Kooxaha Mucaaradsan Xukuumada Waa In Qalin Iyo Xaashi Ay U qaataan Si Ay U xisaabiyaan Sagaalka Bilood Ay Xukuumadu Jirtay Maxaa U qabsoomay. Maxaa U dhiman. Maxaa Qaldamay. Maxaa Sax Ahaa . Halkaasna Ay KA Cabir Qaataan Xaqiiqda Siyaasada Xukuumada Mudadii La Soo Dhaafay Hadiise Mucaarad Nimadiinu Ay Tahay Ishayadu Ma qabato Wax Maroodi Ka yer Ujeedkiina lagaray.

      W\Q:- Weriye Aadan macalin Aadaamow