Faah faahin ka soo baxaysa dagaal u dhexeeya dagaalamayaala kawada tirsan Al-shabaab

0
6699

Dagaalkaan oo dhaxmaray  dagaalamayaal taabacsan sarkaalka Al-shabaab ugu macagacaabday gobolka Gedo iyo kuwo kale oo katirsan isla Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo kala duwan iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo lahadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in sarkaalka oo lagu magacaabo Fiiley dagaalamayaal taabacsan ay dagaal xoogan la galeen maleeshiyaad kale Al-shabaab oo uu qilaaf soo kala dhex galay, waxaana la xaqiijiyey in ay jiraan qasaaro dhimasho oo gaareysa inkabadan 10-qof, halka dhaawacana la sheegay in intaasi uu ka badanyahay.

Xiisad ayaa wali ka taagan sida wararku ay sheegayaan goobihii lagu dagaalamay iyada oo wali la isku hub uruursanayo, waxaana wariyeyaal ku sugan gobolka Gedo ay sheegeen in raga taabacsanaa sarkaal Fiiley iyo isagaba ay ku sugan yihiin deegaanka Wargaduud, halka kuwii kale m uu la dagaalamay ay joogaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo oo uu dagaalku ka dhacay.

Dhanka kale Sargaal katirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ku sugan gobolka Gedo ayaa SONNA u sheegay in ay ka war hayaan dagaalka dhexmaray dagaalamayaal  ka wada tirsan Al-shabaab, islamarkaana dhawaanahaan uu jiray qilaaf soo kala dhex galay, kaas oo ku saleysan kala shaki dhexdooda ah iyo qaabka loo maamulayo hantida iyo xoolaha ay ka dhacaan dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada gobolka Gedo,sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.

Dhanka kale majiraan wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab ee ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab ayaa imaanaya iyada oo sarkaalka ugu sareeya Al-shabaab Axmed Diiriye uu usoo baxsaday gobolka Gedo kadib markii ay is qabteen saraakiil sar sare oo ay kawada tirsan yihiin Al-shabaab, iyada oo intaasi ay usii dheertahay howlgalada ay hogaamineyso dowladda Soomaaliya ee ka socda gobolada dalka.

SHARE